Boosaaso: Xabad-joojinta oo jabtey xilli dagaal 3 maalin jirsadey

Image
Wararka ayaa sheegaya in dagaalkii xalay uu illaa haatan ahaa midkii ugu cuslaa.

BOOSAASO, Puntland - Dagaalka magaalada Boosaaso ayaa galay maalintii saddexaad xilli xalay uu dib uga bilowdey xarunta gobolka Bari isku-dhac kale iyadda oo shalay ay dhaqan-gashay xabad-joojin.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkii xalay uu ahaa midkii ugu cuslaa tan iyo markii iska-hor-imaada uu qarxay la iskuna adeegsadey hubka noocyadiisa kala duwan sidda kuwa darandooriga u dhaca.

Illo ku dhow labada dhinac ayaa xaqiijiyey in uu jiro khasaaro hase ahaatee aanan wali tirokoob rasmi ah lagu sameynin waxyeeladda oo laga yaabo in ay u badato mid soo gaartey dad shacab ah iyo askar.

Muuqaalo iyo sawirro lagu faafiyey baraha bulshadda ayaa muujiyey in qaar kamid ah hubka culus ee dhinacyadda isku adeegsadeen uu ku habsadey guri shacab ah. Ma cadda khasaaraha halkaas ka dhashay.

Si lamid ah, sawirro ayaa muujiyey dadweynaha xilli habeen saq-dhexe ah ka qaxaya magaaladda ayaga oo u dhaqaaqay aagag ay is-leeyihiin waxaad kaga badbaadeysaa xabadda dhacaysa.

Isku-dhacan oo labada dhinac midba kan kale uu ku eedeynayo in uu rasaasta bilaabay ayaa jebinaya xabad-joojin iyo baaq ay shalay jeediyeen odayaasha dhaqanka iyo qaar kamid ah hogaankii hore.

Dambiile dagaal ayay sheegeen in ay u aqoonsan doonan cid kasta oo dib dambe xabad uga rida magaaladda ayaga oo labada dhinac ku tartarsiiyey in ay u turaan shacabka iyo badbaada magaalo ganacsiyeedkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ardey Soomaaliyeed oo Lagu Xirey Turkiga loona Soo Tarxiiley Soomaaliya

Qaar ka mid ah ehelkiisa oo la hadlay Garowe Online waxay sheegeen in aan wali si rasmi…

  • Puntland

    27-07-2025

  • 10:47AM

Mareykanka oo howlgal gaar ah ka fuliyay Buuraha Calmiskaad, Puntland

Taliye sare oo katirsan kooxda ayaa lagu qabtay, kaasoo la sheegay inuu u qaabilsanaa dhanka maaliyadda.

  • Puntland

    26-07-2025

  • 02:03PM