Deni: Gacana waa horumarka, tan kalena amniga ayaan ku sugeynaa

Image

BOOSAASO, Puntland – Madaxwaynaha dowladda Puntland oo ku sugan Boosaaso ayaa wuxuu shaaciyay in xukuumadiisa ay isku wadi doonto ka shaqeynta amniga iyo horumarka.

Saciid Cabdullaahi Deni, oo hogaamiyaha maamulkaan loo doortay 8-dii Janaayo kadib doorasho xor iyo xalaal ah, ayaa xarunta gobolka Bari waxay kamid ahayd goobihii ugu horeeyay ee uu ol'olaha ka bilaabay.

Amaanka magaalada dekada leh ayaa meeshii ugu xumaa gaarey intii uu jiray maamulkii Cabdiwali Gaasi, taasoo ka dambeysay markii dhaqaalihii loo qoon-deeyay loo weeciyay dano gaar ah.

"Horumarka waa ahmiyada koowaad ... gacana horumarka ayaan ku wadaynaa gacana amaanka ayaan kaga shaqeynaynaa, hadii uu ALLE ka dhigo," ayuu ka yiri Deni daah-furka mashruuca laami saarida wadada Cerigoobo-Ceeldaahir.

Cabdisamad Maxamed Galan, wasiirka amniga Puntland ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqay in xukuumada ay dhaqaalaha ugu badan ku bixineyso nabad-gelyada gaar ahaan magaaladda Boosaaso.

Dilalka qorsheysan ee mudooyinkii lasoo dhaafay dhacayay gaar ahaan Oday dhaqameedkii iyo madaxii shirkada P&O waa sababta xukuumada talaabo deg deg oo dhinaca amniga Boosaaso ah u soo qaado.

Boosaaso, xarunta ganacsiga Puntland, ayaa sidoo kale ah Isha uu kasoo galo dhaqaalaha ugu badan, waxaana muuqata in maamulka Deni uu xusul-duub u galayo sidii wax looga qaban-lahaa amniga darida sii baaheysa.

Kooxaha argagaxisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish oo intii uu jiray maamulkii Gaas ku xididaystay Boosaaso ayaa dhibaatooyin isugu jira dil, han-dadaad iyo ka qaadista lacago baad ah ku haya ganacsiga iyo dadka degaanka.

MUUQAALKII UU DENI UGA HADLAY AMNIGA BOOSAASO

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM