Deni: Imaaraadka wuxuu agabka nasoo gaarsiiyey xilli loo baahanyahay

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa wuxuu kaga mahadceliyey Imaaraadka Carabta kaalmada caafimaad ee ay ka dejisay magaalada Boosaaso.

Deeqdaas ayaa loogu talagalay xakameynta faafitaanka fayruska dilaaga ah ee Coronavirus, kaas oo aan wali kiis la xiriira aanan laga helin degaanadda dowlad goboleedkan.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Puntland ayaa lagu yiri: "Madaxweyne Deni oo uga mahadceliyay Dowladda Imaaraadka Agab Caafimaad oo loogu talagalay xakameynta iyo ka hortagga Coronavirus, kaasi oo Imaaraadku ugu deeqay Puntland".

"Waxaan uga mahadcelinaya Dowladda Imaaraadka gargaarka bani’aadantinimo ee ay nasoo gaarsiisay, oo maanta Boosaaso ka degay, waa agab caafimaad oo loogu talagalay xakameynta iyo ka hortagga Coronavirus," ayuu ku daray.

Wuxuu raaciyey: "Xilligan waxaa dagaal adduunka oo dhan kula jiraa halista Covid-19 oo si xowli ah ku fidaya, waana loo baahanyahay in la iska kaashado Ka hortagga Cudurkaasi, aad baan ugu mahadcelinaya Dowladda Imaaraadka oo agabkan nasoo gaarsiisay xilli aad loogu baahanyahay".

Deeqda xukuumadda Abu Dubai ayaa kusoo aadeysa maalmo kadib markii Deni uu saaxibada caalamka ee Puntland ku booriyey in ay ka gacan-siiyaan la dagaalanka xanuunkaas.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in Puntland ay tahay maamulka kaliya ee ka jira Soomaaliya ee si buuxda u dhaqan-geliyey talaabooyinka ka hortagga oo uu ku jiro bandow habeenkii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM