Deni iyo Gaas oo kulankii ugu horeeyay ku yeeshay Madaxtooyadda Puntland [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha la doortay ee Puntland, mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta lagu soo dhaweeyay xarunta Madaxtooyadda magaaladda Garowe.

Gaas ayaa Madaxweyne Deni kusoo dhaweeyay qasriga Madaxtooyadda, waxaana ay halkaasi ay ku yeesheen kulan gaar ah, oo ay uga wada hadleen arrimo ku saabsan xil-wareejinta iyo goorta ay dhacayso.

Madaxweyne ku xigeenka cusub Axmed Karaash iyo Camey ayaa sidoo kale ka qeybgalay kulanka, oo noqonaya midkii ugu horeeyay oo ay yeeshaan madaxda xilka ka degaysa iyo kuwa la wareegaya, kadib doorashadii shalay ka dhacday Garowe.

Gaas iyo Camey ayaa kamid ahaa Musharixiinta shalay looga adkaadey doorashadda, iyagoo isku soo sharxay in markale dib loogu doorto hogaanka Puntland, oo shantii sano ee ay xafiiska joogeen lagu eedeeyay wax-qabad la'aan iyo musuq-maasuq.

Madaxweynaha cusub, oo khudbad kooban oo uu shalay jeediyay kadib doorashadii, ayaa sheegay in Taariikhda Puntland u furmay bog cusub, isagoo ugu baaqey shacabka inay gacmaha is-qabsadaan kana shaqeeyaan nabadda iyo horumarka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM