Deni iyo mas'uuliyiin ka qeybgashay Aaska Qaran ee Yuusuf Xaaji

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Jimce ah ka qayb galay Aas Qaran oo loo sameeyey Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Puntland Marxuum Yuusuf Xaaji Nuur.

Aaska Qaran ee loo sameeyey Marxuum Yuusuf Xaaji Nuur ayaa waxaa Madaxweynaha Kala qayb Galay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee DFS, Xeer Ilaaliyaha DFS, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda Puntland, Maxweynihii hore ee Puntland, Ahna Sanator ka Tirsan Aqalka Sare ee dalka, culimo, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Puntland ayaa Salaada Janaasada iyo aaska kadib u duceeyey Marxuum Yuusuf Xaaji Nuur oo ka mid ahaa hormuudka Golaha Garsoorka Soomaaliyeed, kuna suntan aas-aaskii Golaha Garsoorka dowladda Puntland ee Soomaaliya.

"Waxaan maanta halkan ku aasnay Marxuum Dr. Yuusuf Xaaji Nuur oo ahaa mid ka mid ah tiirarka Dowladnimada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, ahaana Gudoomiyihii Maxkamadda sare ee Puntland, Alle naxariistii Jano ha siiyo inagana Samir iyo iimaan Alle ha inaga siiyo, nin Rabbi yaqaan oo caadil ah buu ahaa, si gaar ah waxaan uga tacsiyaynayaa bahda Garsoorka, eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuumku" Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Puntland State House

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM