Deni iyo Xaaf oo shir laba geesood ah uu uga furmay Gaalkacyo

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Gaalkacayo ku qaabilay wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

Kulanka Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweynaha Galmudug waxaa qayb ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Puntland iyo Galmudug.

Sidoo kale kulanka kadib waxaa qabsoomaya shir laba geesood ah oo ay yeelanayaan Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda ee Puntland iyo Galmudug.

Shirka waxaa laga soo saari doonaa war-Murtiyeed ku salaysan waxyaabaha muhiim ka ah ee laga wadahadlayo.

Puntland State House

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM