Deni: Ma jiro ganacsi aan hortaagan nahay, kaliya canshuurta bixiya

Image

GAROWE, Puntland – Madaxweyne Saciid Cabullaahi Deni ayaa shaaciyey in xukuumadiisa ay u sahleysa ganacsatada iyo maalgashatada in ay fuliyaan mashruuc walba oo ay bulshadu u baahan tahay.

Hogaamiyaha dowladda Puntland ayaa daboolka ka qaaday in shuruuda kaliya oo ay hor-dhigayaan ay tahay in ay soo maraan ayna ku dhaqmaan shuruucda dalka u taala.

Mr Deni ayaa ku booriyey labada dhinac in ay bixiyaan canshuurta xaqa loogu leeyahay si wax loogu qabto dadka danyarta ah ee u baahan iyo in shaqada dowladnimada lagu xoojiyo.

"Dad baa ii imaanaya oo i leh mashruuc baan wadnaa, oo mey la aadaan meelaha ay quseyso … ma jiro ganacsi aan hortaagan nahay, kaliya canshuurta bixiya," ayuu ka sheegay shirka Kalluumeysiga Soomaaliyeed.

Shirka Kulluumeysatada Soomaaliyeed oo socon doono maalmo ayaa lagu soo bandhigayaan kheyraadka dalkeenu leeyahay xili Deni uu bogaadiyay shaqsiyaadka maal-geliyey bandhigaasi.

Ganacsatada ayuu ruuxdooda uga digay in ay loolamaan, isaga oo ku tartarsiiyay in ay yareeraa sicirka badeecadooda si bulshada uga faa'ideysato iyo in ay maalgeyliyaan shirarka noocaan ah.

Geesta kale, madaxweyne Deni ayaa carabka ku adkeeyay in maamulkiisa uu ka shaqeyn doono sidii loo xoojin lahaa hay’addaha dowlada gaar ahaan kuwa bulshada sida wayn ugu baahan tahay.

Shirka Maalgashida Puntland oo qorshuhu yahay in uu qabsoomo bisha Agoosto ee sanadkaan 2019 ayuu xusay in lagu casuumay ganacsatada dibada joogta ee Puntland, xubno ka socday caalamka iyo dhinacyada ay quseyso.

Ugu dambeyntii, Deni ayaa shaaciyay in dowladiisa ay mudnaan gaar ah siineyso wax ka qabashada amniga, xoojinta wax soo saarka dalka iyo kobcinta dhaqaalaha oo halbeega xukuumada ah.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM