Agaasime cusub oo loo magacaabay ciidamadda PMPF-ta

Image
Magacaabidan ayaa kusoo aadeysa xilli madaxwaynuhu dhowaan kormeeray mid kamid ah xerooyinka ciidamadan.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa wareegto wuxuu ku magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Ciidamada PMPF ee Dowladda Puntland.

Sida laga soo xigtey digreetadda, Maxamuud Silaal Cumar ayaa waxaa loo gartey in uu noqdo Agaasime Ku-xigeenka rasmiga ah ee PMPF-ta Dowladda Puntland

Wareegtaddan lagu faafiyey ciwaanka madaxtooyadda ee barta Facebook-ga ayaa lagu caddeeyay in Maxamuud lagu xushay "Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa Shaqo".

Hoos ka akhriso wareegtadda

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 34 ee 7-da November 2021 kuna saabsan magacaabid Agaasime Ku-xigeenka Ciidamada PMPF ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay:  Dastuurka  Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo dar-dar gelinta howlaha shaqo ee horyaala PMPF-ta Dowladda Puntland.

Markuu Tixgeliyey: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa Shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Maxamuud Silaal Cumar loo magacaabay Agaasime Ku-xigeenka PMPF-ta Dowladda Puntland

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMMAAD


Magacaabidan ayaa kusoo aadeysa xilli madaxwaynuhu dhowaan kormeeray mid kamid ah xerooyinka ciidanka wallow askartaas ay kamid ahaayeen cutubyadda ilaalada madaxtooyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland: Howlgalka Calmiskaad oo guulo laga gaaray

Dhinaca kale, ciidamada Puntland ayaa gacanta ku dhigay gaari siday raashin, iyadoo la qabtay laba nin oo waday gaarigaas.

  • Puntland

    29-07-2025

  • 05:47PM

Puntland: Ciidamada Amniga oo Qabtay Gaari Sahay u Waday Daacishta Ku Go’doonsan Calmiskaad

Kooxda Daacish ayaa la rumeysan yahay inay dadaal ugu jiraan sidii ay mar kale sahay uga heli lahaayeen Boosaaso.

  • Puntland

    29-07-2025

  • 01:39PM