Deni oo amar siiyey guddiga dib-u-habeynta Shaaqalaha

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Guddiga dib-u-habeynta Shaaqalaha Dowladda oo isugu jira Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Shaqada, iyo Shaqaalaha iyo Madaxtooyada.

Guddigan ayaa la wadaagay Madaxweynaha warbixin ku saabsan halka uu marayo, qorshaha nidaamka mushahar kordhinta shaqaalaha rayidka ah oo muddooyinkii u danbeeyay ay Guddigu ka shaqeynayeen.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shaqada la qabtay wuxuuna faray guddiga in dhakhso loo dhameystiro qorshahan, si mushahar kordhinta shaqaalaha ay u bilowmato Bisha January 2021.

Waa markii u horeysay mushahar kordhin la sameynayo tan iyo markii la asaasay dowladda Puntland, waxaana tani ay qeyb ka tahay siyaasadda Madaxweynaha ee tayeynta dowladdnimada.

Madaxtooyadda Puntland

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM

Madaxweynaha Puntland: Ma Jiraan Xuduudo Laga Leexin Karo Dastuurkeena 1998

Doodda ka dhalatay maamulka cusub ee laga dhisay Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa hore u abuurtay xiisado siyaasadeed.

  • Puntland

    17-08-2025

  • 09:43AM