Deni oo baaq u diray shacabka Puntland iyo Ummadda Soomaaliyeed

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qayb galay qalin bedelashada ardayda dufcadda 7-aad ee Jaamacadda Bariga Africa faraca Garoowe.

Ardayda qalin bedelatay ayaa dhan 190 arday, waxaana ay ka kala bexeen todoba kulliyadood oo kamid ah kulliyadaha Jaamacadda.

Madaxweynaha ayaa waxaa kala qayb galay masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, maamulka Jaamacadda Bariga Africa, Ismo, nabadoono, waalidiin waxgarad iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Deni ayaa hambalyo, dardaaran iyo duco usoo jeediyey ardayda ka qalin bedelatay heerka koowaad ee Jaamacadda Bariga Africa faraca Garoowe.

“Runtii waa maalin farxad weyn waa maalin aan la qaybsanayno ardayda waxbarashada heerka koowad ka gudubtey ee 190 ka ah, kuwaasi oo bartay kulliyadaha kala duwan ee bulshadu u baahan-tahay".

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa bogaadiyey kaalinta ay kaga jiraan habluhu waxbarashada.

"...waxaan idinla qaybsanaynaa farxaddaas, runtii maanta waa maalin dowladda Puntland farxad u ah, waxaad ogtihiin markii Puntland 1998 la aasaasay oo dalka dowlad, kala dambayn iyo amni aan helnay ayaa Jaamacadaheenuna sidan u tisqaadeen".

Si lamid ah, Madaxweynaha Puntland ayaa tilmamaay in waxbarashadu tahay shayga ugu muhiimsan ee horumar gaadhsiin kara bulsho.

“Guulaha aan gaadhney waxaa kow ka ah dhismaha dowladnimada, taas ayaa sahashey inaan helno Jaamacado.

Madaxweyne Deni ayaa Alle uga baryey ardayda inuu ku anfaco cilmiga ay barteen, kana yeelo kuwii wax ugu qabta cilmiga ay barteen dalkooda iyo bulshadooda,

"Waajibka la rabo inay shacabka Puntland iyo kuwa Soomaliyeedba ilaaliyaan waa nabadda iyo dowladnimada oo lagu fara adaygo, horumarka aan rabno inaan tiigsano labadaas baa saldhig u ah," ayuu yiri.

Waxaa uu sheegay Madaxweynuhu in laga guuro fekerka ah in dadkoo dhan u shaqeeyaan dowladda, ayna ku bedelaan fekerkaasi fursado kale oo ka faa’iido badan, dalkana gaadhsiin kara horumar.

Ugu dambeyntii, isaga oo mar labaad u diray hambalyo dhammaan ardayda qalin-jebisey, madaxweynaha ayaa guddoonsiiyey ardaydii kaalmaha hore gashay abaalmarino.

MUUQAALKA DENI

Madaxtooyadda Puntland + GO

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM