Deni oo baaq u jeediyey Hogaanka Dhaqanka gobolka Bari

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Deni ayaa shalay Qado Sharaf ugu sameeyay degaanka Jibigalle ee duleedka Garoowe, qaar ka mid ah Hogaanka dhaqanka ee Gobolka Bari oo ku sugnaa caasimada.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiiilada, qaar ka mid ah labada Gole ee Dowladda, Saraakiil Madaxtooyo, Hoggaanka Dhaqanka, Ganacsato iyo marti sharaf kale.

Deni ayaa bogaadiyey kaalinta muhiimka ah ee hoggaanka dhaqanku ku leeyihiin Dhismihii iyo illaalinta jiritaanka Puntland.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay in ay halkaasi hore ugasii wadaan kana shaqeeyaan nabadgelyada, midnimada iyo horumarka Puntland.

"Hoggaanka Puntland wuxuu ku dhisan yahay waa hoggaanka siyaasadeed ee maamulka markaas la doorto iyo isimmada oo u ah asaas iyo meel loo laabto," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Labadaas hay’adood oo runtii is kabaya, waxay ka mid yihiin nimcooyinka Ilaahay uu ina siiyey, oo u baahan in la ilaaliyo".

Hogaanka Dhaqanka ee Gobolka Bari ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey qado sharafta iyo is-xog-wareysiga,

Ugu dambeyntii, waxay carabka ku adkeeyeen in marwalba dhaqanku garab taagan yihiin dowladdooda, illaalinta nabadgelyada iyo horumarka guud ahaan degaanada kala duwan ee hoos-yimadda Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM