Deni oo daah-furay Buugta Waxbarasho ee Dugsiyada Hoose

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta daah-furay Buugta Waxbarasho ee Dugsiyada Hoose ee Puntland oo ay diyaarisay isla markaana daabacday Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare ee Puntland.

Buugta Waxbarasho oo ku qoran saddex luuqadood ( Soomaali, English iyo Carabi) ayaa noqonaya kuwii ugu horeeyay ee dalka laga hirgeliyo waxaana dhameystiran oo maanta la daahfuray Fasalka koowaad illaa Afraad, iyadoo hadana la bilaabay diyaarinta iyo daabacaada Dugsiga Dhexe.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee la qabtay, isagoo muujiyay muhiimada ay leedahay in lagu guuleystay diyaarinta iyo daabacaada wejiga koowaad ee Buugta Waxbarasho, madaama dugsiga hoose yahay asaaska waxbarasho ee ardayga.

Dhammaadkii munaasabadda wuxuu Madaxweynuhu Abaalmarino guddoonsiiyay Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada, Hay’addaha kala shaqeeyay, la teliyeyaasha ka talo bixiyey, xarumaha Cilmibaarista iyo Howl-wadeenada kale ee kala shaqeeyay Wasaaradda diyaarinta iyo daabacaada Buugta.

Madaxtooyada Puntland

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Gacanta ku Dhigay Xubno Ajnabi ah oo Ka Tirsan Daacish

Ciidamada Puntland ayaa horey u muujiyay dadaal joogto ah oo ku aaddan sugidda amniga iyo xasilloonida gobollada Puntland.

  • Puntland

    01-08-2025

  • 01:55PM

Deni oo ka hadlay dagaalka Gedo, kana digay burburka dowladnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland wuxuu ku eedeeyay dowladda federaalka in ay hurinayso dagaallo sokeeye oo ku saleysan dano gaar ah.

  • Puntland

    01-08-2025

  • 09:21AM