Deni oo furay kal-fadhiga 44-aad ee Golaha Wakiillada Puntland

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa furay Kalfadhiga 44-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland.

Munaasibadda furitaanka oo si weyn loosoo agaasimay waxaa Madaxweyanaha ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Waxaa sidoo kale kasoo qeyb-galay masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Madaxweynihii Hore ee Puntland, Ahna Sanator ka tirsan Aqalka Sare ee dalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole.

Madaxda Dhaqanka, wakiillada ururada bulshada rayidka ah, wakiilladda hey’addaha caalamiga ah, Qunsuliyada Dawladda Itoobiya ee Puntland, bahda Saxaafadda iyo masuuliyiin kale ayaa si lamid goobjoog ka ahaa.

Mas'uuliyiinta kasoo muuqatay madasha oo qaarkood jeediyey khudbado ayaa waxay kalsooni weyn ka muujiyeen in sharcidejiyayaasha ay waajibaadka u gutaan si wanaagsan.

Madaxweyne Deni ayaa rajeeyay inta lagu guda jiro kal-fadhigan ay mudaneyaasha u qabtaan dalka iyo dadka shaqo wanaagsan oo horseeda horumar iyo barwaaqo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM