Deni oo Guddi u saarey qabanqaabada aaska qaran ee marxuum Yuusuf

Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay Guddiga qabanqaabada aaska qaran ee loo samaynayo Alle ha u naxariistee Marxuum Yuusuf Xaaji Nuur.

Guddoomiyihii Maxkamadda sare ee dowladda Puntland oo mudooyinkii dambe xanuunsanaa isla markaana xaalad caafimaad loo geeyay Turkiga ayaa ku geeriyoodey magaaladda Ankara.

Guddiga qaban qaabada aaska qaran ayaa kala ah:

1: Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Cawil, Sheekh Xaamud Gudoomiye

2: Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran) Xubin

3: Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Xusseen Cismaan Lugatoor (Gabilay) Xubin.

4: Wasiiru Dowlaha Deegaanka, Beeraha & Waraabka Cabdirashiid Cali Geelle Xubin.

5: Gudoomiye Ku-xigeenka Maxkamadda Sare Nuur Ciise Maxamed Xubin

6: Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowladda Puntland Xasan Aw-Cismaan Xubin

7: Siyaasi Cali Cabdi Awaare Xubin

Guddigan ayaa waxaa la filayaa in ay isku daba-ridaan aas-qaran oo loo sameyn doono marxuumka, kaasi oo kamid ahaa bud-dhigeyaashii dowladda Puntland.

Dhan kale, guddiga ayaa magacaabitaankooda kadib la kulmay madaxweynaha Puntland oo ay kawada xaajoodeen xaaladaha ku hareeraysan duugta marxuumka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM