Madaxweyne Deni oo maamul cusub u magacaabey gobolka Mudug

Image

GAALKACYO, Puntland - Madaxweynaha dowladda Puntland, mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Sabtida maanta ah waxa uu Axmed Muuse Nuur, waxa uu umagacaabay gudoomiyaha cusub ee gobolka Mudug.

Sidda ku cad wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha, waxaa Cabdullaahi Warsame [Wardheere] laga dhigay ku xigeenka koowaad, halka Maxamed Xasan Xuseen [Waloore] uu yahay ku xigeenka labaad.

Isbedelka lagu sameeyay maamulka gobolka Mudug ayaa qayb ka ah dib u habeyn balaaran oo xukuumada ku sameyneyso hay'adaha dowlada si bulshada u gaarto adeegi dowladnimo.

WAREEGTADA

Madaxweynaha Dowadda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr 27 May 25, 2019, ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug iyo Guddoomiye Ku-xigeenada Gobolka Mudug.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda
Puntland.

Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo waaya
aragnimadooda shaqo

Markuu Qiimeeyey: Tala soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1.Waxaa Axmed Muuse Nuur loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug.

2. Waxaa Xasan Cabdullaahi Warsame (Wardheere) loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka gobolka Mudug.

3.Waxaa Maxamed Xasan Xuseen (Waloore) loo magacaabay Guddoomiye Ku- Xigeenka 2aad ee Gobolka Mudug.

4. Xeerkani wuxuu dhaqangelaya markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM