Deni oo gudoomiyey Shirkii ugu horeeyay ee Wasiiradda Puntland [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha cusub ee Puntland, mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Khamiis ah shir gudoomiyey markii ugu horeysay Kulanka Gollaha Wasiiradda, oo ka dhacay magaalada Garowe.

Shirka waxaa ka qeyb galay Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan, madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweyne Ku Xigeenkii hore ee Puntland Cabdixakiim Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey.

Inta uu socday Kulanka, oo intiisa badan is-barasho ahaa ayaa looga hadlay marxaladda kala guurka ah iyo sidii loo amba-qaadi lahaa Horumarka Puntland, kadib markii dhawaan la doortay hogaan cusub, oo bedelaya maamulkii Cabdiweli Gaas.

Madaxweyne Deni ayaa balan-qaadey isbedel cusub, oo dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda, isagoo sidoo kale ugu baaqey shacabka inay gacmaha is-qabsadaan, oo ka shaqeeyaan horumarka Puntland.

Madaxweynaha cusub ayaa la filyaa inuu dhawaan si rasmi ah xilka ugala wareego Gaas, isagoo maalintii la doortey hakiyay in lacag lagala baxo akoonada dowladda uga furan Bangiga Puntland iyo shirkadaha Xawaaladaha gaarka loo leeyahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM