Deni oo ka hadlay dilka Boosaaso, baaq culus u diray shacabka Puntland [DAAWO]

Image

GAROWE, Puntland - Madaxwaynaha dowlada Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa si adag uga hadlay toogasho saaka magaalada Boosaaso loogu geystay madaxii shirkada DP World ee dekada caasimadda ganacsiga DPL

Gudoomiyaha gobolka Bari ayaa xaqiijiyay in dilka Paul Anthony Fermosa ay geysteen dabley hubeysan, xili Ururka Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida ay dusha saartay mas'uuliyada falkaan.

Ugu horeyntii, Deni ayaa uga tacsiyeeyay geerida Paul xubnaha qoyskiisa, dowladiisa, shirkada uu la shaqeynayey ee P&O oo hoostagta shirkada DP World ee Imaaraadka laga leeyahay iyo asxaabtiisa.

Baaritaan dhab ah ayuu balanqaaday in lagu sameyn doono kiiskaan, isaga oo wacad ku maray Madaxwaynuhu in cid kasta oo lagu helo ay ka qaadi doonan talaabo sharci ah, meel kasta oo ay ku sugan tahay.

"Dilka loo geystay Paul ma ahan mid loo geystay shaqsi maamule ah oo kaliya, waa dil loo geystay Umada Puntland oo loogu talagalay burburiyo horumarkooda iyo sum-cadooda cid kasta oo ku lug-yeelatay waa dambiilayaal, waxaana laga qaadi doonaa talaabo sharciga waafaqsan, meel kasta oo ay joogaan dalka iyo dibada," ayuu hadalkiisu raaciyay.

Hay’addaha amniga ayuu Madaxwayne Deni faray inay qaadaan howlgalo lagu ugaarsanayo dadkii ku lugta labaad falka lagu khaarijiyay Paul Anthony Fermosa, laguna dhaawacay qaar kamid ah ilaaladiisa.

Shacabka ayuu cod dheer kaga dalbaday inay kala shaqeeyaan laamaha amaanka sidii cadaalada loo horkeeni lahaa mas-kaxdii ka dambeysay falkaan, kaasi oo uu ku tilmaamay mid argagaxiso.

"Waxaan codsaneynaa in falkaan kaliya lagu soo koobo mid argagaxiso oo ka dhaca meel kasta oo caalamka ah," ayuu Deni daba dhigay hadalkiisa, oo umuuqda mid ka digaya in la buun-buuniyo.

Ugu dambeyntii, Madaxwayne Deni ayaa tilmaamay in mudada uu xafiiska joogo uu muhiimad gaar ah siinayo sidii loo xaqiijin lahaa nabad-gelyada degaanada PL oo faraha ka baxay mudadii uu xafiiska joogay.

HALKAN KA DAAWA MUUQAALKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM