Deni oo hogaan cusub u magacaabay Ciidanka Asluubta

Image
Saraakiishan ayaa lagu xushay Aqoondooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo.

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 38 ee November 17, 2021 kuna saabsan magacaabid Taliyaha iyo Taliye Xigeenka 1-aad ee Ciidanka Asluubta.

Waxaa S/Guuto Bile Faarax Cali loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland.

Sidoo kale, Waxaa S/Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Axmed (Gantaal) loo magacaabay Taliye Xigeenka 1-aad ee Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY TALIYAHA IYO TALIYE KU-XIGEENKA 1-aad ee CIIDANKA ASLUUBTA

Garoowe: 17 November 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 38 ee November 17, 2021 kuna saabsan magacaabid Taliyaha iyo Taliye Xigeenka 1-aad ee Ciidanka Asluubta.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoondooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo
Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa S/Guuto Bile Faarax Cali loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland.

2. Waxaa S/Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Axmed (Gantaal) loo magacaabay Taliye Xigeenka 1-aad ee Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay


GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland: Howlgalka Calmiskaad oo guulo laga gaaray

Dhinaca kale, ciidamada Puntland ayaa gacanta ku dhigay gaari siday raashin, iyadoo la qabtay laba nin oo waday gaarigaas.

  • Puntland

    29-07-2025

  • 05:47PM

Puntland: Ciidamada Amniga oo Qabtay Gaari Sahay u Waday Daacishta Ku Go’doonsan Calmiskaad

Kooxda Daacish ayaa la rumeysan yahay inay dadaal ugu jiraan sidii ay mar kale sahay uga heli lahaayeen Boosaaso.

  • Puntland

    29-07-2025

  • 01:39PM