Deni oo isbedel ku sameeyay talisyada booliska Mudug, Karkaar iyo Nugaal

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo laba wareegto soo saarey ayaa isbedel ku sameeyay talisyada booliska gobolada Nugaal, Karkaar iyo Mudug oo dhamaantooda hoostaga Puntland.

Hoos ka akhriso digreetooyinka

Madaxweynaha Puntland Oo isku bedelay Taliyeyaasha Qaybaha Booliska ee Gobolada Nugaal, Karkaar iyo Mudug.

Garoowe: 04 April 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid a Abdullaahi Deni ayaa soo saara, Xeer Madaxweyne Lr. 25 April 4, 2020, kuna saabsan isku bedel Taliyeyaasha Qaybaha Booliska Gobolada Nugaal iyo Mudug.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta Amniga Qayabaha Booliska ee Gobolada Puntland.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda Ciidanimo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa G/sare Muumin Cabdi Shire loo bedelay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug.

2. Waxaa G/sare Cabdiqaadir Jamac Dirir loo bedelay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.

Dhanka kale, waxaa madaxweynuhu Gaashaanle Sarre Cabdi Casayr Yusuf u magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar, sidda lagu sheegay digreetada labaad ee isla maanta kasoo baxday xafiiskiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM