Deni oo ka degay Garowe xili ay PL isu diyaarisay Shirka Maalgashiga

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo labo todobaad safar ugu maqnaa dalka dibaddiisa, gaar ahaan Itoobiya iyo Imaaraadka ayaa maanta oo Arbaco ah lagu soo dhaweeyay Garowe.

Mas'uuliyiin uu horkacyo madaxweyne ku xigeenka, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa ka qeybgalay soo dhaweynta Deni oo ahayd mid si heer sarre ah loosoo agaasimay.

War qoraal ah oo kasoo baxay Madaxtooyadda kaasoo lagu fahfaahiyey socdaalka madaxweynaha ayaa lagu xusay in safar uu ahaa mid kusoo dhammaaday guul.

Soo laabashada Madaxweynuhu waxay kusoo aaday iyadoo Puntland isu diyaarisay Shirka Maalgashiga Puntland oo loo muddeeyay (15-17) September 2019.

Shirkan oo uu hore ugu dhawaaqay Madaxweyne Deni ayaa ah mid indhaha aduunka kusoo jeedinaya Puntland, waxaa ka qeybgeli doona Shirkado iyo Madax isaga imanaysa wadamo kala duwan.

Ujeedka ayaa wuxuu yahay in lasoo bandhigo fursadaha maalgashi ee ka jira Puntland, taasi oo qeyb ka aheyd ballanqaadyadii uu hore u sameeyay Madaxweynaha.

Sikastaba, faa'idooyinka shirkan laga dhexli doono ayaa waxaa kamid ah shaqo abuur iyo kobac dhaqaale oo baaxad leh, sidda ay ka dhawaajisay xukuumadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM