Deni oo ka tacsiyeeyay geerida taliye ka tirsanaa ciidamadda Puntland

Image

GAROWE, Puntland – Taliyihii Ururka 19-aad ee Ciidanka Daraawiishta Puntland Gaashaanle Sare Siyaad Xaaji Maxamed Bilcil ayaa lagu waramay inuu ku geeriyoodey degmadda Qardho, xarunta gobolka Karkaar.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuumka, sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda.

"Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo Kan dowladda-ba waxa uu ka tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariistee Taliyihii Ururka 19-aad ee Ciidanka Daraawiishta Puntland G/Sare Siyaad Xaaji Maxamed Bilcil oo ku geeriyoodey degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar," ayaa la yiri.

Sidda lagu caddeeyay war-saxaafadeedka oo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online, Deni ayaa naxariista EBBE u rajeeyay marxuumka.

"Madaxweynaha Puntland ayaa Alle uga baryey marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su'aasha qabriga u sakhiro samir iyo iimaanna kasiiyo ciidanka qalabka sida ee dowladda Puntland eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoysaskii uu ka baxay," ayaa la raaciyey bayaaka Madaxtooyadda.

Madaxweynaha oo bedel wanaagsan u rajeeyay qoyskiisa, ehelkiisa iyo asxaabtiisa ayaa ALLE uga tuugay in uu ku abaalmariyo janadiisa.

"Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Deni waxa uu si gaar ah tiiraanyada geerida Alle ha u naxariistee G/sare Siyaad Xaaji Maxamed Bilxil ula qaybsanayaa Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland, ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoysaskii uu ka baxay marxuumku, waxaana uu Alle uga baryey inuu dembigiisa dhaafo, kuna abaalmariyo Jannatul Fadarsa," ayaa lagu soo gabagabeeyay fariinta tacsida ee Madaxtooyadda.

Shalay ayay ahayd markii uu Deni ka tacsiyeeyay geerida Taliyihii hore ee ciidamadda Daraawiishta Puntland, Cabdirisaaq Sheekh Cismaan Axmed, oo ku dhintay magaaladda Qabribayax ee gobolka Soomaali Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM