Deni oo ka warbixiyay Kulankii Farmajo iyo Madaxda maamullada ee Garowe

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Puntland, mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta ku qabtey xarunta Madaxtooyadda Shir jaraa'id oo uu uga hdlay xafladiisii caleema-saarka, oo habeen kahor ka dhacday magaaladda Garowe.

Mudane Deni ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay dhamaan marti-sharaftii kasoo qeyb-gashay caleema saarkiisa, oo isagu jiray Madaxweynaha dowladda Somalia, madaxda maamul goboleedyada, Madaxweyneyaal hore, beesha caalamka, maamul goboleeyada, qeybaha kala duwan ee bulshada.

Deni ayaa sheegay in caleema-saarkiisii uu fursad ay ku kulmaan u noqday Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada, oo kawada hadlay marxaladda adag ee uu hadda dalka marayo, midnimadda dalka iyo in la isku kaashado lahaa xoojinta dowladnimada dalka.

Madaxdii ka qeybgashay Caleema-saarka Deni ayaa isku raacay in is-cafis guud la sameeyo, islamarkaana laga gudbo khilaafaadka, lagana shaqeeyo danta guud ee dalka, si loo gaaro horumar shacabka Soomaaliyeed ku naaloonayaan.

Madaxweynaha ayaa xusay in Shirka gaarka ee shalay ku yeesheen Madaxtooyadda Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada uu albaabada u furay in si qoto dheer looga wadlo khilaafka siyaasadeed iyo kala qeybsanaan u dhaxaysa.

Mudane Deni ayaa intaasi ku daray in Shirkii saacadaha badan ka socday Madaxtooyadda uu gogol-xaar u noqday, iyadoo uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo dalbaday in bisha 3aad [March, 2019] magaalada Garowe la isagu yimaado shir guud oo u dhaxeeya shanta maamul goboleed ee ka jira dalka iyo dowladda Federaalka Somalia.

Is-cafis guud ayaa ka dhacay caleema-saarkii Madaxweyne Deni iyo ku-xigeenkiisa Axme Karaash, iyadoo la isla qaatey in xalay dhalay laga noqdo wixii khilaafaad ah ee jira, horey looga socdo, lagana wada shaqeeya danta dalka iyo dadka.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa tilmaamay in Puntland ay sharaf u tahay marti-gelinta Shirka uu ka codsaday Farmaajo kaasoo loogu gogol-xaarayo ka shaqeynta Somalia midnimadeeda iyo wadajirkeeda.

"Anigoo ku hadlaya magaca dowladda iyo shacabka Puntland waxaan aqbalay in gogol nabadeed oo loogu gogol xaarayo in Somalia midnimadeeda iyo wadajirkeeda looga shaqeeyo lagu qabto magaaladda Garowe, waxaana ku faraxsanahay in Puntland siday horeyba u ahayd inay ka shaqeyso midnimda iyo dowladnimada Somalia in kaalintaas si fir-fircoon u qaadato," ayuu yiri Deni.

Deni oo la doortay 8-dii bishan ayaa la yimid fekerka ah isla xisaabtan iyo wada-shaqqeyn dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada, kaasi oo ka duwan midkii Madaxweynihii ka horeeyay Cabdiweli Gaas ee ahaa xiriir u jaridda Villa Somalia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM