Deni: UNICEF waxqabadkeeda haku saleyso baahiyaha jira

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaya Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay wafdi ka socda hay'adda UNICEF oo uu hogaaminayo Madaxa Soomaaliya ee Hay'addaasi Mr. Werber Schultunk iyo Isuduwaha Hay'adda ICRC Puntland Emmanuel Lippolis.

Kulamadaasi waxaa Madaxweynaha Puntland ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi Maxamed Xassan, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf iyo Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Jamac Dabaraani.

Kulanka Madaxweynaha iyo masuuliyiinta Hay'adda UNICEF waxaa looga wadahadlay mashaariicda horumarineed ee Hay'adda UNICEF ka waddo Puntland, waxaana ka warbixiyey Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Jamac.

"Madaxweye Deni wuxuu xarunta Madaxtooyada kula kulmay masuulka cusub ee UNICEF usoo magacowday Soomaaliya Mr Werber Schultunk iyo xubno ka tirsan saraakiisha Hay'addaasi, waxaa laga wadahadlay sidii loo wada-shaqayn lahaa iyo in UNICEF sii joogtayso mashariicda ay ka fuliso Soomaaliya, gaar ahaan Puntland".

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa u sheegay madaxda UNICEF in waxqabadkooda ay ku saleeyaan baahiyaha deegaanada ka jira ee ay soo gudbiyaan, taas oo uu Madaxweynuhu hoosta ka xariiqay in ay muhiim tahay, si looga jawaabo baahiyaha jira" Ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Isuduwaha ICRC Puntland Emmanuel Lippolis Iyo Madaxa Xafiiska ICRC Puntland Cabdifataax Fandhaal, waxaa ka warbixiyey kulankaasi Afhayeenka Madaxtooyada Puntland.

"Madaxweyne Deni waxa uu isla xarunta Madaxtooyada kulan kula qaatay isu duwaha ICRC Puntland Emmanuel Lippolis oo fadhigiisu yahay Nairobi iyo madaxa xafiiska ICRC Puntland Mudane Cabdifataax Fandhaal waxaa laga wada-hadlay shaqada ay ICRC ka wado Puntland, shaqooyinka socda iyo sidii wada-shaqaynta muhiimka ah ee ka dhaxaysa Puntland iyo Hay'adda ICRC loo sii joogtayn lahaa". Ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac.

Puntland State House

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM