Deni oo ku laabtay Garowe xili si diiran loosoo dhaweeyay

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo dib ugu laabtay magaaladda Garowe, kadib socdaal uu ku kala bixiyey Shiinaha, Imaaraadka iyo Itoobiya, ayaa si diiran loosoo dhaweeyay, galabnimadii Jimcaha.

Isaga oo saxaafadda kula hadlay qeybta VIP-ga ee madaarka diyaaradaha caasimadda dowladda Puntland ayuu Deni u mahad-celiyey mas'uuliyiinta kala duwan ee soo dhaweyntiisa ka qeybgashay.

Madaxda soo dhaweynta qeybta ka ahayd waxaa ku jiray Axmed Cilmi Cismaan Karaash, madaxweyne ku xigeenka, Cabdixakiin Dhoobo-Daareed, afhayeenka baarlamaanka iyo xubno kale.

Mudadii uu ku sugnaa dalalkaasi uu booqday waxa uu madaxweyne Deni kala soo hadlay arrimo ku saabsan horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga iyo cilaaqaadka labadda dhinac.

Intii uu joogay Shiinaha, waxaa la isku raacay in magaalo hoos-timaada gobol ka tirsan dalkaasi, lala mataaneyso Galkacyo si lamid ah iskaashi dhanka horumarinta dhaqaalaha iyo magaalooyinka. [Halkan ka akhriso]

Socdaalkiisii Itoobiya, shirkada diyaaradaha dalkaasi ee Ethiopian Airlines ayuu madaxweynuhu kala soo hadlay sidii ay duulimaadyo joogto ah uga hirgelin lahayd degaanada Puntland.

"Wixii warbixin ah oo ku saabsan safarkeyga waxaan iyaga oo fahfaahsan la wadaagi doonaa dowlada iyo shacabkaba," ayuu madaxweyne Deni u sheegay saxaafadda.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM