Deni oo kulan ka qaatay Isimada Dhaqanka Gobolka Bari

Image
Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa qasriga Madaxtooyada Boosaaso kulan kula qaatay qaybaha kala duwan ee Isimada Dhaqanka gobolka Bari,

Kulankan uu Madaxweynuhu la qaatay Isimada dhaqanka ayaa daaranaa is-xog wareysi guud, kaasi oo lagaga arrinsanayey sidii wadajir looga wada-shaqaynlahaa xasiloonida, nabadda iyo wadajirka shacabka Puntland, amniga magaalada Boosaaso iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Isimada dhaqanka gobolka Bari ayaa Madaxweynaha dowladda Puntland ku bogaadiyey wada-shaqaynta dhow uu la leeyahay iyo sida ay uga go’antahay horumarinta Puntland iyo kala shaqaynta amaanka iyo xasiloonida dalka, isimada ayaa Alle uga baryey Madaxweynaha in uu u fududeeyo shaqada adag ee uu shacabkiisa u hayo.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa uga mahadnaqay isimada wadashaqaynta dhow ee ay la leeyihiin Dowladda iyo sida ay mar waliba uga go’antahay ka shaqaynta amaanka iyo nabada Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu isimada kula dar-daarmay in ay ka qayb-qaataan horumarka ay ku talaabsatay Puntland.

- DHAMMAAD -

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM