Deni oo kulan ka qaatay Isimada Dhaqanka Gobolka Bari

Image
Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa qasriga Madaxtooyada Boosaaso kulan kula qaatay qaybaha kala duwan ee Isimada Dhaqanka gobolka Bari,

Kulankan uu Madaxweynuhu la qaatay Isimada dhaqanka ayaa daaranaa is-xog wareysi guud, kaasi oo lagaga arrinsanayey sidii wadajir looga wada-shaqaynlahaa xasiloonida, nabadda iyo wadajirka shacabka Puntland, amniga magaalada Boosaaso iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Isimada dhaqanka gobolka Bari ayaa Madaxweynaha dowladda Puntland ku bogaadiyey wada-shaqaynta dhow uu la leeyahay iyo sida ay uga go’antahay horumarinta Puntland iyo kala shaqaynta amaanka iyo xasiloonida dalka, isimada ayaa Alle uga baryey Madaxweynaha in uu u fududeeyo shaqada adag ee uu shacabkiisa u hayo.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa uga mahadnaqay isimada wadashaqaynta dhow ee ay la leeyihiin Dowladda iyo sida ay mar waliba uga go’antahay ka shaqaynta amaanka iyo nabada Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu isimada kula dar-daarmay in ay ka qayb-qaataan horumarka ay ku talaabsatay Puntland.

- DHAMMAAD -

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM