Deni oo kulan la qaatay Guddiga Amniga Ee Gobolka Karkaar

Image
Image

QARDHO, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaaladda Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar, ayaa xalay kulan la qaatay Guddiga Amniga ee Gobolka Karkaar.

Madaxtooyadda dowladda Puntland ayaa waxay fahfaahin buuxda ka bixisay qodobadda diiradda lagu saarey Kulanka uu Madaxweynuhu la yeeshay Guddiga Amniga ee Gobolka Karkaar.

“Masuuliyiinta heer Gobol iyo heer Degmo ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha," ayaa lagu bilaabay bayaanka oo nuqul kamid ah uu helay warsidaha Garowe Online.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray: "Waxay uga xog-warameen xaaladda guud ee Gobolka Karkaar iyo kan Degmada, Saraakiisha Laamaha Amnigu waxay ka warbixiyeen sida xaaladda Amni ay u wanaagsantahay.

"..horumarada laga sameeyay dhinaca Amniga, Masuuliyiinta heer Degmo waxay ka warbixiyeen hormarka balaaran ee ka socda degmada Qardho," ayuu ku daray warka qoraalka ah.

Deni ayaa Talaadadii lagu soo dhaweeyay Qardho, halkaas oo durbadiiba uu xariga ka jaray saldhig cusub, oo uu tababar ugu ugu furay cutubyo kamid ah xoogaga difaaca Puntland.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xukuumadiisa ay ahmiyadda koowaad siineyso sidii dib loogu dhisi lahaa ciidamadda Puntland isla markaana loogu diiwaan-gelin lahaa hanaanka cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM