Deni oo la filayo in uu socdaal ku maro gobolada Bari iyo Karkaar

Image

BOOSAASO, Puntland - Madaxwaynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa lagu wadaa in todobaadkaan uu socdaal dheer ku maro gobolada Bari iyo Karkaar.

Ujeedka socdaalka Deni ayaa la sheegay in uu yahay mid uu ugu kuurgalayo xaalada guud ee ka jirta degaanadaasi.

Mas'uuliyihiin ka tirsan dowladda oo ay kamid yihiin wasiiro ayaa la rajeynayaan in ay ku wehlin doonan safarkiisa oo qaadan doono sida la sheegay dhowr maalmood.

Magaalooyinka la filayo in uu tago hogaamiyaha Puntland waxaa kamid ah Boosaaso iyo Qardho, halkaasoo qaban-qaabada soo dhaweyntiisa laga dareemayo.

Wafdi horudhac u ah booqashada uu madaxwayne Deni ku tegi doono xarun gobolka Bari ayaa shalay gaarey halkaasi, iyaga oo la kulmay soo dhaweyn diiran oo ay u sameeyeen madaxda gobolka iyo dadwaynaha.

Cabdisamad Maxamed Gallan, wasiirka Amniga dowladda Puntland oo wafdiga qayb ka ah ayaa sheegay in ujeedada socdaalka madaxwaynaha ay kamid tahay xal u helista amaanka Boosaaso.

"Ahmiyada koowaad, labaad iyo saddexaad ee xukuumada Deni waa sugida amniga … waxaana u nimid in mas'uuliyiin halkaan aan kala hadlo qaababka loo sugayo amaanka Boosaaso," ayuu raaciyay.

Shacabka ayuu ku tartarsiiyay in ay laba jibaaraan taageerada ay siiyaan hay’adda amniga si loo sugayo nabad-gelyada xarunta ganacsiga Puntland.

Safarka uu Madaxwayne Deni ku bixinayo gobolada Bari iyo Karkaar ee Puntland ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay ee uu kaga baxo magaalada Garowe tan iyo markii la doortay 8-dii Janaayo ee sanadkaan 2019.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM