Deni oo la kulmay danjireyaasha Jarmalka iyo Talyaaniga

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay kulan Casho ah kula qaatay magaaladda Nairobi, Safiirka Dowladda Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Alberto Vecchi.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Dekadaha iyo Gadiidka Badda ee Puntland Maxamed Cabdi Cismaan Majiino, Gen. Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko oo ka mid ah la taliyeyaasha dhinaca Amniga ee Madaxweynaha Puntland iyo saraakiil ka tirsan safaarada Talyaaniga.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Alberto Vecchi ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, sida dhinacyada Siyaasadda iyo Amniga.

Waxaa kale oo laga wada hadlay taageerada Dowladda Talyaaniga ee Puntland iyo mashaariicda horumarin.

Dhanka kale, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan kula qaatay magaaladda Nairobi ku-xigeenka danjiraha dalka Germany ee Soomaaliya, mudane Markus Bollmohr.

Kulanka waxaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya iyo mashaariicda horumarin ee Dowladda Germany ka waddo Puntland.

Deni oo booqasho shaqo ku jooga Kenya ayaa kulamo kala duwan la qaadanayey mas'uuliyiin kamid ah saaxiibadda caalamka ee Soomaaliya, isagoo kala hadlay xaaladda guud ahaan Soomaaliya iyo mustaqbalka siyaasadeed ee waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM