Deni oo la kulmay safiirka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe kusoo dhoweeyey wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Ergeyga Gaar ka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mr James Swan.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Danjire James Swan ayaa kulanka kadib si wadajira ula hadlay warbaahinta.

Madaxweyne siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in labada dhinac ay kawada hadleen arrimo ay kamid yihiin doorashada soo aaddan ee Soomaaliya, xoojinta amniga, dimuqraadiyeynta iyo hirgelinta Qorshaha Horumarinta Puntland.

Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Danjire James Swan ayaa dhankiisa xusay in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto taageerada dhinacyada badan leh ee ay siiso Puntland.

MUUQAALKA DENI IYO SWAN

Madaxtooyadda Puntland

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM