Deni oo maamul cusub oo ku meel gaar ah u magacaabey Buurtinle

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Arbaco maamul cusub oo ku meel gaar ah waxa uu u magacaabey degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal.

Cabdirisaaq Maxamed Faarax [Dihaal] ayaa si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Buurtinle halka Maxamed Cabdixakiim Geelle si ku meel gaar ah looga dhigay ku xigeenka.

Talaabadan ayaa imaaneysa xili hogaamiyaha dowladda Puntland uu kala diray maanta Golihii degaanka degmadaasi oo todobaadkan iclaamiyey in ay shaqadii ka tageen.

WAREEGTADA MAGACAABISTA

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr-27 ee Juun, 19, 2019, ku magacaabay Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeenka ku meel gaarka ah ee Degmada Buurtinle.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu tixgeliyey: Is casilaaddii Golaha Deegaanka Degmada Buurtinle

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo in ay sii socoto shaqada Maamulka Degmada Buurtinle.

Markuu Qiimeeyey: Tala soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cabdirisaaq Maxamed Faarax (Dihaal) si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Buurtinle.

2. Waxaa Maxamed Cabdixakiim Geelle si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Buurtinle.

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM