Deni oo maamul cusub u magacaabay gobolka Nugaal

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Isniin ah wuxuu maamul cusub oo rasmi ah uu u magacaabay gobolka Nugaal, sidda ay warisay Madaxtooyadda Puntland.

Cawil Axmed Maxamed ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, Qaasim Maxamed Cabdi waxaa laga dhigay ku-xigeenka 1aad, halka Xuseen Xaaji Cabdulle Maxamed laga dhigay labaad.

Wareegtada magacaabida


Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Ku-xigeenadiisa.

Garoowe : 13 April 2020 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr.30 April 13,2020 ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Ku-xigeenadiisa.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo dar-dar gelinta Maamul ee Gobolka Nugaal.

Markuu Tixgeliyey: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cawil Axmed Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal

2. Waxaa Qaasim Maxamed Cabdi loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Gobolka Nugaal

3. Waxaa Xuseen Xaaji Cabdulle Maxamed loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Gobolka Nugaal.


Gudoomiyihii gobolka Nugaal ayaa ku dhintay weerar is-miidaamin oo Al-Shabaab ay ka fulisay Garowe, waxaana laamaha ammaanka ay ku raadjoogaan shabakad la xusay inay maleegtay falkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM