Deni oo maamul cusub u magacabay Baanka Dhexe ee Puntland

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wuxuu magacaabay Guddoomiyaha iyo Agaasime Ku-xigeenka Baanka dhexe ee Dowladda Puntland.

Cabdirisaaq Warsame Seeraar ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha, halka Anisa Cabdiraxmaan Maxamed loo xushay in ay noqoto Agaasime ku-xigeenka Baanka Dhexe.

Hoos ka akhriso wareegtada

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.04 January 8, 2020 ku magacaabay Guddoomiyaha iyo Agaasime ku-xigeenka Baanka dhexe ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo dardargelinta howlaha shaqo ee Baanka dhexe ee Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo waaya-aragnimadooda shaqo.

Wuxuu xeeriyey :

1. Waxaa Abdirisaaq Warsame Seeraar loo magacaabay Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Dowladda Puntland.

2. Waxaa Anisa Cabdiraxmaan Maxamed loo magacaabay Agaasime ku-xigeenka Baanka Dhexe ee Dowladda Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMMAAD


GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM