Deni oo maamul cusub u magacabay Baanka Dhexe ee Puntland

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wuxuu magacaabay Guddoomiyaha iyo Agaasime Ku-xigeenka Baanka dhexe ee Dowladda Puntland.

Cabdirisaaq Warsame Seeraar ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha, halka Anisa Cabdiraxmaan Maxamed loo xushay in ay noqoto Agaasime ku-xigeenka Baanka Dhexe.

Hoos ka akhriso wareegtada

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.04 January 8, 2020 ku magacaabay Guddoomiyaha iyo Agaasime ku-xigeenka Baanka dhexe ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo dardargelinta howlaha shaqo ee Baanka dhexe ee Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo waaya-aragnimadooda shaqo.

Wuxuu xeeriyey :

1. Waxaa Abdirisaaq Warsame Seeraar loo magacaabay Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Dowladda Puntland.

2. Waxaa Anisa Cabdiraxmaan Maxamed loo magacaabay Agaasime ku-xigeenka Baanka Dhexe ee Dowladda Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMMAAD


GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM