Deni oo maamul ku meel gaar ah u magacaabay degmada Carmo

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Maxamed Ibraahim Faarax si ku meel gaar ugu magacaabay Guddomiyaha Degmada Carmo ee Gobolka Bari.

Hoos ka akhriso qoraalka

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.06 January 8, 2020 ku magacaabay Guddoomiyaha Ku meel gaarka ah ee degmada Carmo ee Gobolka Bari.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo dardargelinta howlaha shaqo ee Degmada Carmo.

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waaya-aragnimadiisa Shaqo.

Markuu tixgeliyey: Talo soojeedinta Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey :

1. Waxaa Maxamed Ibraahim Faarax si ku meel gaar loogu magacaabay Guddomiyaha Degmada Carmo ee Gobolka Bari

Xeerkan wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

=DHAMMAAD=


GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM