Deni oo magacaabay Golaha Sare ee la-talinta Madaxweynaha

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr51 oo ku taariikhaysan 24, July 2019 ku magacaabay Golaha Sare ee La-talinta Madaxweynaha.

Mas'uuliyiinta digreetadan lagu magacaabay oo tiradoodu ay gaareyso lix ayaa shan kamid ah waxay ka yihiin xubno iyadoo gudoomiye looga dhigay Nuuradiin Aadan Diiriye.

Xubnaha kale ee golahan ku jira oo laba kamid ah ay haween yihiin ayaa waxay kala yihiin;

1. Mahdi Maxamuud Cali

2. Yaasmiin Maxamuud Xaamud (Nayn)

3. Drs. Saciido Axmed Cali (Qacle)

4. Eng. Axmed Abshir Faarax

5. Cusmaan Seed Cilmi

Magacaabida golahan ayaa waxay kusoo aadeysaa iyadda oo uu Deni horey u magacaabay lataliyeyaasha dhinacyadda ammaanka, is-gaarsiinta, ganacsiga iyo haweenka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM