Deni oo magacaabay Golaha Sare ee la-talinta Madaxweynaha

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr51 oo ku taariikhaysan 24, July 2019 ku magacaabay Golaha Sare ee La-talinta Madaxweynaha.

Mas'uuliyiinta digreetadan lagu magacaabay oo tiradoodu ay gaareyso lix ayaa shan kamid ah waxay ka yihiin xubno iyadoo gudoomiye looga dhigay Nuuradiin Aadan Diiriye.

Xubnaha kale ee golahan ku jira oo laba kamid ah ay haween yihiin ayaa waxay kala yihiin;

1. Mahdi Maxamuud Cali

2. Yaasmiin Maxamuud Xaamud (Nayn)

3. Drs. Saciido Axmed Cali (Qacle)

4. Eng. Axmed Abshir Faarax

5. Cusmaan Seed Cilmi

Magacaabida golahan ayaa waxay kusoo aadeysaa iyadda oo uu Deni horey u magacaabay lataliyeyaasha dhinacyadda ammaanka, is-gaarsiinta, ganacsiga iyo haweenka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM