Deni oo magacaabay Guddiga Gurmadka Fatahaada Qardho

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa wuxuu magacaabay Guddiga Gurmadka Fatahaada Degmadda Qardho ee gobolka Karkaar.

Guddigan oo ka kooban wasiiro ayaa gudoomiye looga dhigay Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Demoqradiyaynta iyo Federalka.

Wareegto ku taariikheysan 28-ka April, 2020 oo kasoo baxday xafiiska Deni taasoo nuqul kamid ah uu arkay GO ayaa lagu magacaabay xubnaha guddigan heerka wasiirada ah.


Hoos ka akhriso digreetadda

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, isagoo ka duulaya saamaynta balaaran ee ay yeesheen roobabkii daadadka watay ee ka da’ay degmadda Qardho, kaas oo sababay dhimasho, burbur hantiyeed iyo barakac balaaran. Sidaas darteed, Madaxweynaha Dowladda Puntland wuxuu magacaabay Guddiga sare ee Gurmadka Fatahaada Degmadda Qardho ee Gobolka Karkaar:

1. Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Demoqradiyaynta iyo Federalka (Guddoomiye)
2. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
3. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga
4. Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska
5. Wasiirka Wasaaradda Deeganka, Beeraha iyo. Isbadalka Cimiladda
6. Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Dhaqalaha
7. Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadidka
8. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka
9. Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Biyaha iyo Macdanta
10. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska
11. Agaasimaha Guud Hay’adda HADMA
12. General Khalif Ciise Mudane La taliyaha Madaxweynaha
13. Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada
14. Xildhibaan Sharmaake Cali Cilmi
15. Xildhibaan Ahmeddaad Jaamac Diiriye
16. Xildhibaan Maxamed Maxamuud Barre
17. Siyaasi Cali Abdi Awaare
18. Guddomiyaha Gobolka Karkaar
19. Taliyaha Qaybta Gobolka Karkaar
20. Guddomiyaha Degmada Qardho
21. Sh. Fu’aad Maxamuud Nuur Culumadda
22. Jaamac Salaad Maxamed (Dhagadheere) Ganacsatadda.
23. Axmed Cabdi Hurre
24. Maxamed Caydiid Jaamac (Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga)


Qardho waxaa kusoo rogmaday daadad ka dhashay roobab mahiigaan oo saacadihii lasoo dhaafay ka da'ay. Ku dhowaad lix qof oo saddex kamid ah ay caruur yihiin ayaana ku dhintay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM