Deni oo magacaabey Guddi ka kooban Wasiiro iyo Xildhibaano

Image

GAALKACYO, Puntland - Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Sabti ah wuxuu magacaabay Guddi ka kooban Shan wasiir iyo saddex Xildhibaan.

Sidda ku cad wareegto kasoo baxday xafiiska Deni, waajibaadka gudduiga ayaa ah dib u habeyn balaaran oo lagu sameyn doono hay'addaha dowladda ee ka jira gobolka Mudug.

Maxamed Cabdiraxmaan Axmed, wasiirka arrimaha gudaha Puntland, ayaa gudoomiye u ah Guddigaan xili uu ku xigeenka uu yahay Xasan Shire Abgaal, wasiirka Maaliyadda.

Magacaabistaan ayaa imaaneysa xili la filayo in saacadaha soo aadan uu madaxweyne Deni isbedal ku sameyn doono mas'uuliyiinta dowlada Puntland ee gobolkaasi.

HOOS KA AKHRISO MAGACYADDA GUDDIGA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM