Deni oo magacaabey Hantidhowrka iyo Agaasimaha Bankiga Puntland

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxa uu bilaabay isku shaadheyn uu ku sameynayo qaar kamid ah hay'addah dowladda si gaar ah wasaaradaha.

Wareegto kasoo baxdey xafiiska hogaamiyaha dowladda Puntland ayaa waxaa lagu magacaabey Hanti-dhowrka Guud iyo Agaasimayaasha Bangiga iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Ugu horeyntii, waxaa Cabdirisaaq Cumar Faarax loo magacaabay Guddoomiyaha Hanti-dhowrka Guud ee dowladda Puntland kadib markii la eryay mas'uulkii xilkan hayey.

Digreetadda oo nuqul kamid ah uu helay warsidaha Garowe Online ayaa waxaa Maxamed Faarax Maxamuud looga dhigay Agaasimaha Guud ee Bangiga Dowladda Puntland.

WAREEGTADDA

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr 41 ee 8da Luulyo 2019, ku magacaabay Hanti-dhowrka Guud iyo Agaasimayaasha Bangiga iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo Horumarinta Hanaanka Maamul ee
Maaliyadda iyo Isla xisaabtanka

Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo Khibradooda shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cabdirisaaq Cumar Faarax loo magacaabay Guddoomiyaha Hanti-dhowrka Guud ee Dowladda Puntland

2. Waxaa Maxamed Faarax Maxamuud loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Bangiga Dowladda Puntland

3. Waxaa Cabdirisaaq Maxamed Xasan loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Maxjarka

4. Waxaa Faysal Cabdullaahi Warsame loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda.

5. Waxaa Cumar Saalax Aadan loo magaacabay Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland

6. Waxaa Keenadiid Cali Jaamac loo magacaabay Agaasime Kuxigeenka Maamulka ee Wasaaradda Maaliyadda

7. Waxaa Abshir Maxamed Abshir loo magacaabay Agaasime Kuxigeenka Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa marka uu Madaxweynuhu Saxiixo, Waana saxiixay.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM