Deni oo magacaabey wakiilka dowladda Puntland ee Mareykanka

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Sabtidii, 21-ka September, waxa uu magacaabay Wakiilka Puntland ee Dalka Maraykanka.

Sidda laga soo xigtay wareegto kasoo baxday xafiiska Deni taasi oo nuqul kamid ah uu helay warsidaha Garowe Online, waxaa jagadaas loo dhiibay Mulki Abdisamad Hussein.

WAREEGTADDA

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr 68, 21 September 2019, ku magacaabay Wakiilka Puntland ee Dalka Maraykanka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu Arkay : Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu Arkay: Baahida loo qabo in la xoojiyo xiriirka ka dhexeeya Dowladda Puntland iyo Qurba joogta Puntland ee ku nool dalka Maraykanka.

Markuu Arkay: Baahida loo qabo in la xoojiyo xiriirka ka dhexeeya Dowladda Puntland iyo Qurba joogta Puntland ee ku nool dalka Maraykanka.

Markuu Tixgeliyey: Aqoonteeda iyo Khibradeeda Shaqo.

Wuxuu Xeeriyey:

1. Waxaa Mulki Abdisamad Hussein loo magacaabay Wakiilka Dowladda Puntland ee Dalka Maraykanka.

2. Xeerkani wuxuu dhaqangelaya Markuu Madaxweynuhu Saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMAAD


GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM