Deni oo mas'uuliyiin u magacaabey wasaaradaha Tamarta iyo Dastuurka

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha dowladda Puntland.

Digreeto kasoo baxday xafiiska hogaamiyaha maamulkan oo uu arkay GO ayaa waxaa jagadaasi loogu dhiibay Siciid Faarax Maxamuud oo ku magac dheer [Saciid Yare].

Dhanka kale, madaxweyne Deni ayaa Wasiiru Dowlaha Madaxtooyadda Arrimaha Dastuurka u wareejiyey Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka.

Saalax Xabiib Jaamac oo ahaa Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Arrimaha Dastuurka ayaa loo bedelay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka.

Isbedalkan ayaa qeyb ka ah isku shaadheyn lagu sameynayo qaar kamid ah agaasimeyaasha wasaaradaha iyo hay'addaha dowladda Puntland si dadweynaha loogu adeego.

Mas'uuliyiin kale ayaa la filayaa in uu Deni magacaabo saacadaha soo aadan.

Mar sii horeysay, Deni ayaa mas'uuliyiin cusub u magacaabey Wasaaradda Maaliyada, Hantidhowrka guud ee Puntland iyo Agaasimaha guud ee Bangiga dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM