Deni oo mas'uuliyiin u magacaabey wasaaradaha Tamarta iyo Dastuurka

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha dowladda Puntland.

Digreeto kasoo baxday xafiiska hogaamiyaha maamulkan oo uu arkay GO ayaa waxaa jagadaasi loogu dhiibay Siciid Faarax Maxamuud oo ku magac dheer [Saciid Yare].

Dhanka kale, madaxweyne Deni ayaa Wasiiru Dowlaha Madaxtooyadda Arrimaha Dastuurka u wareejiyey Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka.

Saalax Xabiib Jaamac oo ahaa Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Arrimaha Dastuurka ayaa loo bedelay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka.

Isbedalkan ayaa qeyb ka ah isku shaadheyn lagu sameynayo qaar kamid ah agaasimeyaasha wasaaradaha iyo hay'addaha dowladda Puntland si dadweynaha loogu adeego.

Mas'uuliyiin kale ayaa la filayaa in uu Deni magacaabo saacadaha soo aadan.

Mar sii horeysay, Deni ayaa mas'uuliyiin cusub u magacaabey Wasaaradda Maaliyada, Hantidhowrka guud ee Puntland iyo Agaasimaha guud ee Bangiga dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM