Deni oo shaaciyey fursada dhalinta Puntland ee Shirka Maalgashiga

Image

GAROWE, Puntland – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Talaaddada maanta ah yabooh ay fursad dahabi ah ka heli doonan waxa uu siiyey dhalinyaradda degaanadda Puntland.

Fursadaasi ayuu ku sheegay in kobaca dhaqaale ee xukuumadiisa hiigsaneyso inay u horseedo Puntland ay shaqo abuur ka heli doonan dhalinyaradda.

"Amniga iyo xasilooni siyaasadeed ka sokow, kobac dhaqaale oo ay shaqo abuur ka heli doonan dhalinyaradda ayaa qorsheena kamid ah," ayuu ka yiri munaasabad uga qeybgalay magaaladda Garowe.

Dhinaca kale, madaxweynaha ayaa ku booriyay ganacsatada in ay taageeran siyaasadda dowladiisa ee horumarinta dalka iyo dhaqaalaha.

Deni ayaa ku tartarsiiyey ganacsatadda in ay kaalin weyn ka cayaaran Shirka Maalgashiga Puntland ee loo balansan yahay bisha September.

Shirkaasi oo socon doona maalmo ayaa waxaa lagu soo bandhigi doonan fursadaha maalgashi ee banaan iyo hal-abuurka ganacsatadda.

Si lamid ah, waxaa shirkaasi lagu soo bandhigi doonan qorshaha xukuumadda ay dooneyso in ay Puntland ku hogaamiso shanta sano ee soo aadan.

Ugu dambeyntii, hogaamiyaha maamulka sanad-guuradii 21aad ee aas-aaskiisa u dabaaldegaya todobaadkan ayaa u balanqaaday shirkadaha in loo fududeynayo helitaanka dhulal ay ku maalgeshi ku sameeyan.

MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM