Lacagta loo qoondeeyay dayactirka qalcada Boosaaso oo la shaaciyey

Image
Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta ka qeyb-galay munaasabad ciyaar saaxiibtinimo oo u dhexaysay labo naadi oo ka tirsan kuwa gobolka bari.

Wasiiro, maamulka gobolka bari kan degmada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda ayaa ku weheliyey madaxweynaha daawashada oo loogu magac-daray is-dhexgalka bulshada iyo booliska Boosaaso.

Deni oo dhammaadka ciyaarta la hadlay Dhallinyarada ayaa ku booriyey ka shaqaynta Nabadda iyo guud ahaan horumarka Puntland, sidoo kale madaxweynaha ayaa dhallinyarada ku ammaanay sida ay ula shaqeeyeen Booliska.

Dhanka kale madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdu ugu deeqday lacag dhan ($200,000) labo boqol oo kun oo doolar dhismaha garoonka kubadda cagta ee magaalada Boosaaso.

“Waxaan rabaa in aan halkaan ka sheego in Dowladda Puntland Diyaar u tahay horumarinta dhalinyarada iyo ciyaaraha, waxay halkaan ku ballaan qaadaysaa in ay ugu deeqi doonto garoonkaan dhismihiisa dowladdu waxay bixin-doontaa lacag labo boqol oo kun ah (200,000)".

"Waxaan kaloo rajaynayaa in hay’adda UNHCR ayaduna ay bixindoonto lacag ku dhow ($300,000) saddex boqol oo kun oo doolar, markaas waxaan rajaynanaa in lacagtaas $500,000".

" ..shanta boqol oo kun’ka ah ay ka qeyb qaadan doonto horumarka isboortiga waxaan kaloo degmada iyo laamaha amniga faraynaa garonka hortiisa in la baneeyo guryaha sida sharci darada ah ugu dhisan”ayuu yiri Madaxweynuhu.

Ugu dambayntii Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu baaqay guud ahaan bulshada magaalada Boosaaso in kor loo qaado nadaafadda.

Laamaha amniga ayuu soo jeediyay in gacan lagu siiyo ka shaqaynta amniga loona soo jeensado dhanka horumarka iyo wax ka qabashada kooxaha nabad-diidka ah iyo kuwa ka shaqeeya tahriibka.

Puntland State House + GO

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM