Gudoomiyaha Hay'adda Wadooyinka Puntland oo shaqada laga joojiyey

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdllaahi Deni ayaa wuxuu shaqo joojin ku sameeyay Eng. Cabdirisaaq Yuusuf Cilmi, Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland "ilaa iyo amar dambe".

Sidda ku cad digreeto uu Deni soo saarey, waxaa sidoo kale la buriyey dhammaan xubnihii laga shaqaalaysiiyey Hay’addaasi laga soo bilaabo Janaayo 2019.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in uu si ku meel gaar shaqada Hay’adda u sii wadayo Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Waddooyinka, oo kamida kuwa ugu qadiimisan maamulkan.

DIGREETADA

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Shaqo joojin ku sameeyay Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland, isla markaana buriyey dhammaan xubnihii laga shaqaalaysiiyey Hay’addaasi laga soo bilaabo Janaayo 2019.

Ku: Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland .

Ku: Guddoomiye ku Xigeenka Hay’adda Wadooyinka.

Og: Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta Dowladda Puntland.

Ujeeddo: Shaqo ka joojin iyo burin shaqaalaysiin.

Waxaa maanta oo taariikhdu tahay 17ka Luulyo 2019, shaqadii laga joojiyey Eng. Cabdirisaaq Yuusuf Cilmi Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland ilaa iyo amar dambe.

Sidoo kale waxaa la buriyey dhammaan xubnihii laga shaqaalaysiiyay Hay’addaas laga soo bilaabo taariikhdu markay ahayd Janaayo 2019.

Waxaa si ku meel gaar shaqada Hay’adda u sii wadaya Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Waddooyinka.

-Xeerkan wuxuu dhaqangelaya marka uu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM