Deni oo ka hadlay gabar kufsi iyo dil loogu geystay Galkacayo [Daawo]

Image

GAROWE, Puntland - Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa si kulul uga fal-celiyay gabar kufsi iyo dil loogu geystay magaaladda Gaalkacyo ee caasimad goboleedka Mudug, qaybta ay maamusho Puntland.

Marxuum Caasho Ilyes Aadan, 12-sano jir ardayad ahayd, oo la weysanaa tan iyo shalay, ayaa meydkeeda laga helay saaka meel ku dhow gurigooda, iyada oo jirkeeda uu ka muuqday jirdil iyo kufsi loo geystay.

Saraakiisha caafimaadka ayaa xaqiijiyay in Caasho la kufsaday lana jirdilay kahor inta aanan la dilin.

Deni ayaa ku tilmaamay falkaan mid "ku xun Bini’aadanimada, Diinta Islaamka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed," isaga oo wacad ku maray in talaabo adag la marsiin doono cid kasta oo lagu helo inay ku lug-laheyd.

"Waxa sidaasi sameynaya waa dhalinyarro..waxaan rajeynayaa in dowladdu talaabo ka qaadi doonto cid kasta oo ku xad-gudubta karaamada bini’aadamka," ayuu Madaxwaynuhu raaciyay.

Shacabka magaaladda Gaalkacyo oo si wayn uga caroodey dhacadaan ayaa sameeyay dibad-bax ay ku dalbanayeen in cadaaladda la horkeeno kuwii geystay falkaan.

Maamulka magaalada oo amar ku bixiyey in la fasaxo dhamaan goobaha waxbarashada Talaadada berri ah ayaa ku booriyey bahdii waxbarashada oo ay ka baxday Caasho in ay banaan-bax nabadeed ku muujiyaan dareenkooda.

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya iyada oo taliska Booliska Gaalkacyo qaybta Puntland uu shaaciyey in la qab-qabtay tirro dad ah oo lagu tuhmayo in ay wax ka ogaayeen kiiskaan, kuwaasi oo baaris kadib maxkamad loo diri doono.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM