Deni oo soo xiray shirka jihaynta siyaasadda xukuumadda [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo xirey Shirka Jihaynta Siyaasadda Xukuumadda Cusub ee Dowladda Puntland oo sadexdii maalmood ee ugu dambeysey ka socdey xarunta Wasaardda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Ah ee Magaalada Garoowe.

Shirka Jihaynta Siyaasadda Xukuumadda Cusub ee Dowladda Puntland waxaa ku wehelinayey Madaxweynaha Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo dhammaan Golaha Xukuumadda.

Madaxweyne Deni oo soo xiray shirka ayaa ka jeediyey khudbad taariikhi ah, waxa uu Madaxweynuhu Mahad ballaadhan u jeediyey masuul walba oo ka qayb qaatay hirgelinta shirka.

“Dhammaantiin waa mahadsantihiin qof walba oo ka qayb galay barnaamijkii quruxda badnaa ee sadexdii maalmood ee ugu dambeysey socdey oo ay ugu muhiimsaneed in la joogteeyo hawlihii halkaan ka socdey, qof walibana ka qayb qaato runtii, waxay noo tahay guul in maalmihii aan ugu tala galnay ay ku dhammaadaan.

"Waxaan Alle ka sokow guulihii aan gaarnay uga mahadnaqaynaa ciidamada qalabka sida ee Puntland oo maalmaha aan halkan joogney ammaanka si habsami leh u sugayey, wan ku faraxsannahay runtii shirkaan agaasinkiisii, socod siintiisii iyo natiijadii ka dhalatay intaba ay ahaayeen kuwo ay taariikhdu xusi doonto” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka dawladda Puntland ayaa dhankiisa bogaadiyey qaabka wanaagsan ee uu usoo dhammaaday shirku, waxaana uu xoojiyey qorshaha Madaxweynaha Puntland ku hirgeliyey yoolaalkii uu ku galay doorashada, taasi oo bud-dhig u ah dhammaystirka Jihaynta siyaasadda Xukuumadda Cusub ee dawladda Puntland.

Ugu dambeyn, Madaxweyanaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shaahaado sharaf guddoonsiiyey qaar ka mid ah shaqaalaha iyo masuuliyiinta Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Ah oo marti galisey shirkan iyo hay'adda Sidra oo shirka qayb muhiim ah ka qaadatay.

-DHAMMAAD-

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM