Deni oo taliye cusub u magacaabey booliska qeybta gobolka Mudug

Image

GAALKACYO, Puntland - Hogaamiyaha dowlada Puntland, mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wareegto madaxweyne ku magacaabey Taliyaha Booliska Qaybta Gobolka Mudug.

Sidda laga soo xigtay digreetada oo ku taariikheysan 26-ka bisha May 2019 lana soo gaarsiiyey GO, waxaa jagadaasi loo dhiibay Gaashaanle Sarre, Jaamac Maxamed Axmed.

Magacaabistaan oo qeyb ka ah isbedel dhanka amniga, cadaalada iyo maamulka lagu sameynayo gobolka Mudug ayaa yimid rabitaan ka imaaday bulshada qeybaheeda kala duwan.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADDA

Gaalkacyo, May 25, 2019: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne, Lr. 28 May 25, 2019, ku magacaabay Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Mudug.

Madaxweynaha Dawladda Puntland

Mar Markuu arkay: Dastuurka Dawladda Puntland

Markuu arkay: Aqoontiisa yo khibraddiisa shaqo.

Wuxuu xeeriyey:
1.Waxaa G/Sare Jaamac Maxamed Axmed loo magacaabay Taliyaha Qeybta Booliiska ee Gobolka Mudug .

2. Xeerkani waxaa uu dhaqan-gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM