Deni oo Xariga Ka Jaray Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Xorgoble

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

QARDHO, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi oo maanta booqasho ku yimid magaaladda Qardho ayaa Xariga ka jaray Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Xorgoble oo lagu sameeyay dib u dhis iyo dayactir dhameystiran.

Madaxweynaha ayaa markii uu gaarey Xarunta Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Xorgoble wuxuu Salaan Sharaf ka qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidamada halkaasi ku sugan.

Kadib ayaa wuxuu ka qeybgalay Xafladda Xarig Jarka Dugsigan Ciidamada lagu tababarayo oo uu isagu maanta si rasmi ah u furay.

Deni oo ka hadlay Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Xorgoble wuxuu sheegay in Dowladda Puntland ay muhiimada koowaad siinayso dib u dhiska iyo tayeynta Ciidamada si loo helo Ciidan tirsan oo tayeysan.

Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Xorgoble ayaa ka mid ah xarumo lagu tababarayo Ciidamada Dowladda Puntland oo loo qorsheeyay in laga hirgeliyo Sanaag, Ceyn iyo Mudug.

"Sidoo kale qorshahaasi waxaa dhinac socda diwaangelinta casriga ah ee Ciidamada oo dhowaan la bilaabay," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Deni.

Xafladda Xarig Jarka Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Xorgoble waxaa ku weheliyey Madaxweynaha, Wasiiro ka tirsan Dowladda iyo La taliyeyaal dhinaca Amniga ah.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire iyo Saraakiil Ciidan oo uu hogaaminayo Taliyaha Daraawiishta Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere ayaa ku jiray.

Maamulka Gobolka Karkaar iyo kan degmada Qardho, Aqoonyahano, Hogaan dhaqan, Culimo, Haween iyo boqolaal ka mid ah Ciidamadii ugu horeeyay ee Tababarka ku qaadanaya xaruntan ayaa qayb ka ahaa.

MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM