Deni oo xarigga ka jaray warshadda Tuubooyinka iyo Siligga

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xarigga ka maray warshad cusub oo soo saari doonta tuubooyinka iyo siligga, taas oo markii ugu horaysay laga hirgaliyey deegaanada Puntland.

Madaxweyne Deni oo musabadda hadal kooban ka jeediyey ayaa bogaadiyey ganacsatada maalgashiga ku samaynaysa dalka, gaar ahaan masuuliyiinta iska kaashaday shirkadaan soo kordhisay samaynta tuubooyinka iyo siligga oo dalka siweyn looga isticmaalo.

"Marka u horaysa waxaan aad ugu mahadcelinayaa dadkii maalgalinta ku sameeyey warshadaan maanta halkaan lagu daahfuray oo aan rajaynaayo in ay wax badan qayb ka noqondoonto horumarka dalka ka socda".

"Waxaa bisha August la daahfuri doonaa qorshaha shanta Sano ee soo socota waxaana rajaynayaa in qeybaha kala duwan ee ganacsatadu in ay ku yeeshaan talo badan "xagge dalku u socon karaa dhinaciisa hormarku".

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in dhowaan la qabandoono shirka maalgashiga Puntland, kaasi oo ay kasoo qayb gelidoonaan maalgashadaal ajanebi ah iyo kuwo Soomaaliyeedba.

Waxaa uu sidoo kale xusay Madaxweynuhu in hadda lagu hawlan yahay samaynta xeerka Maalgashiga oo kala saaraya xuquuqda maalgashadayaasha muwaadiniinta ah iyo kuwa ajaanibta ah.

Munaasabad kooban oo ka dhacay xaruunta shirkadda SOBIC ayaa dhammaan dadkii kasoo qeyb galay bogaadiyeen shirkadaan cusub ee qaybta ka ah horumarka koboca dhaqaalaha Puntland.

Waxaa Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ku weheliyey Daahfuray xaruntaasi Wasiiro, masuuliyiinta shirkadda iyo xirfadlayaal reer Puntland.

Puntland State House

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM