Deni oo xilka ka qaadey taliye ku xigeenadda booliska Puntland

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Isniin ah wuxuu xilka ka qaadey Bile Faarax Cali, Taliye ku xigeenka koowaad ee Ciidanka Booliska dowladda Puntland.

Sidda lagu sheegtay wareegto kasoo baxday xafiiska Deni, waxaa sidoo kale la eryay Gaashaanle Sarre Axmed Maxamuud Cali (Jeenitaag), oo ahaa Taliye ku xigeenka saddexaad ee bileyska.

Digreetadda ayaa intaas ku dartay in Deni uu qaadey talaabadaas "kadib markii uu garowsadey in dib-u-habeyn lagu sameeyo Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Puntland.

Hoos ka akhriso digreetadda

Madaxweynaha Puntland Oo Xil-ka-qaadis ku sameeyay Taliye ku xigeenada Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Garoowe : 27 April 2020 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 40 ee 27da April, 2020, ku soosaaray Xil-ka-qaadis uu ku sameeyay Taliye ku xigeenada Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu garowsadey: In dib-u-habeyn lagu sameeyo Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa xil-ka-qaadis lagu sameeyey S/Guuto Bile Faarax Cali Taliye ku xigeenka 1aad ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

2. Waxaa xil-ka-qaadis lagu sameeyey G/Sare Axmed Maxamuud Cali (Jeenitaag) Taliye ku xigeenka 3aad ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND


Wareegtada ayaa nan lagu magacaabin saraakiisha bedeleysa. Balse, waxaa la filayaa in sidda ugu dhaqsiyaha badan uguna macquulsan loosoo bandhigo, si aysan hakad ugu imaan shaqooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM