Deni oo xilka la wareejiyay iyo Gaas oo faarujiyay Madaxtooyadda Puntland [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxwaynaha cusub ee Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Isniin ah si rasmi ah xilka ugala wareegay Madaxwaynihii hore Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay Madaxtooyada Puntland, ayay Madaxweyne Saciid Deni iyo Madaxweyne ku-xigeenka cusub Axmed Karaash xilka ugala wareegeen Gaas iyo Camey, oo maanta faarujiyay qasriga Madaxtooyadda.

Madaxweyne Deni oo la doortay 8-dii bishan ayaa lagu wadaa inuu dhawaan magacaabo Xukuumad cusub, isagoo balan qaadey inuu la imaan doono wax-qabad muuqda, isagoo shacabka reer Puntland ka dalabaday inay la shaqeeyaan.

Gaas oo mudo shan sano ah xafiiska joogey, ayaa u tartamay markale inuu Puntland sii hogaamiyo, waxaana uu ku haray wareegga kowaad doorashaddii 8-dii January, oo codad aad u yar ka helay, isagoo aan usoo gudbin wareegga labaad.

Mudadii uu Gaas talada Puntland hayay ayaa lagu xasuustaa musuq-maasuq, in Xukuumaddiisa ku guul-daareysatay bixinta mushahaarka ciidanka iyo la dagaalanka kooxaha argagaxisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM