Deni: Waa in la horumariyaa Tacliinta si loo yareeyo xagjirnimada

Image

GAROWE, Puntland - Madaxwaynaha dowladda Puntland ayaa shalay oo Arbaco ahayd kaga qaybgalay Garowe munaasabad lagu daah-furayey mashruuca loogu magac daray "Waxbarashadu waa Iftiin", wajigiisa saddexaad.

Mashruucaan oo degaanada Puntland oo idil laga fulinayo ayaa waxaa maal-gelinaya Midowga Yurub, oo kaashana xukuumada.

Saciid Cabdullaahi Deni, oo madasha la hadlay, ayaa tilmaamay in barnaamijkaan uu door wayn ka qaadanaya horumarka dalku hiigsanayo.

Madaxwaynaha ayaa balanqaaday in xukuumadiisa ay mudnaan gaar ah siin doonto waxbrashada iyo shaqaalaysiinta dhalinyaradda.

Barayaasha iyo maamulada iskuuladda ayaa ku tartarsiiyay in ay ardayga baraan ahmiyada ay leedahay ilaalinta dowladnimada.

"Waxaan ayidayaa in ay muhiim tahay in la horumariyo waxbarashada si loo yareeyo xagjirnimada oo halis ku ah nolasha bini’aadamka," ayuu xusay.

Ugu dambeyntii, madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in mashruucaan oo idlaaday iyada oo ay shacabka ka faa'ideysteen.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM